Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dagaal Dhaxmarey Labo Ciidan oo Katirsan Dowladda
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:318
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:144
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 06 2008
Dagaal Dhaxmarey Labo Ciidan oo Katirsan Dowladda
Written by Ali Moallim   
Sunday, 06 July 2008

Walaweyn,(insidesomalia.org)- Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Maxamuud Cilmi ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Boolis ah oo u joogay Deegaanka Yaaq biriweyne ay weerar ku qaadeen Ciidamo Mileteri ah oo ka tirsan Guutada 17aad ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
 
Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in labo Askari laga dilay Ciidamadoodii joogay Yaaq biriweyne, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas Mileteriga ah ee weerarka ku soo qaaday Ciidamada Booliska ah uu watay Sarkaal uu magaciisa ku soo koobay Af-weyne.
 
“Intii aysan weerarka nagu soo qaadin ayaa waxaa Ciidamada Mileteriga weerar ku qaaday  Xoogagga Al-Shabaab oo inta u dhaxeysa Warmaxan iyo Wanlaweyn uga qaatay Gaari kuwa dagaalka ah”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cilmi oo waxba kama jiraan ku tilmaamay tuhun ay Ciidamada Mileteriga ka qabaan Ciidamadda Booliska, kaasi oo ah in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.
 
Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay ku noqonayaan Deegaanka Yaaq biriweyne ayna jawaab ka bixin doonaan weerar sida uu yiri gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen Ciidama Mileteriga Dowladda.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhinaca Deegaanka Yaaq biriweyne ayaa waxay sheegayaan in ay saaka halkaas gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay 13 gaari oo isugu jiray kuwo dagaal iyo xamuul ah.

 

Inta u dhaxeysa Degmooyinka Wanlaweyn iyo Buur Hakaba ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro dhexmaray Ciidamda Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >